Magaalada Hargeysa waxaa lagu qabtay munaasibad ay si rasmi ah xilka ula wareegtay Agaasimaha cusub ee Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka.
Munaasibadda waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Komishanka, Guddoomiye Ku-xigeenka, Garyaqaanka, xubno ka tirsan hay'adaha maamul-wanaagga, xubnaha Komishanka iyo marti-sharaf kale.
Intii munaasibaddu socotay, Agaasimihii hore ee Komishanka ayaa ka waramay waxqabadkii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey.
Agaasimaha cusub ayaa ku bogaadisay Agaasimihii hore hawlihii uu soo qabtay, waxaanay ballanqaadday inay sii dardargelin doonto shaqada iyo hawlaha muhiimka ah ee Komishanka loo xilsaaray.

