Oog — Isuduwaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka ee Gobolka Saraar, Mudane Jaamac Maxamed Aadan (Fod), ayaa kormeer shaqo ku tagay Cisbitaalka Guud ee magaalada Oog.
Ujeeddada kormeerku waxay ahayd in lagu qiimeeyo adeegyada caafimaad ee cisbitaalku bixiyo iyo xaaladaha bukaannada uu gacanta ku hayo.
Waxa kale oo kulanka lagu falanqeeyey xuquuqda shaqaalaha cisbitaalka iyo muhiimadda in mudnaan la siiyo dadka nugul.
Komishanku wuxuu sheegay in kormeeradani qayb ka yihiin dadaallada uu ku ilaalinayo sidii muwaadiniintu u heli lahaayeen xuquuqdooda caafimaad.

