War-saxaafadeedyo

Komishanka oo Baadhis ku Bilaabay Cabashada Xisbiga KAAH

Komishanku wuxuu baadhayaa cabasho ku saabsan cagajuglayn iyo cabudhin la sheegay inay la xidhiidho xorriyadda hadalka ee Afhayeenka xisbiga.

Warbixinta hordhaca ah ee Komishanka ee ku saabsan cabashada Xisbiga KAAH.

17/08/2026, Xisbiga Siyaasiga ah ee KAAH ayaa cabasho u soo gudbiyey Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka, taas oo la xidhiidha hay'adaha amniga oo ku raad-jooga soo qabashada Afhayeenka xisbiga. Cabashada ayaa lagu sheegay in Afhayeenka lagu hayo cabudhin la xidhiidha xorriyadda hadalka, isla markaana lagu sameeyey cagajuglayn.

Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka, isaga oo ka duulaya cabashadaas, ayaa booqday Taliska Guud ee Ciidanka Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee JSL.

Baadhista arrintan waxa Komishanku u saaray afar xubnood: Mustafe Cali Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka; Garyaqaan Maxamed Jaamac Ibraahim, Komishanar; Muuna Jaamac Cali, Komishanar; iyo Baashe Maxamuud Faarax (Dhaaciye), Komishanar.

Komishanku wuxuu sheegay in marka baadhista cabashadu u soo dhammaystiranto uu dadweynaha iyo hay'adaha ay khusayso la wadaagi doono warbixin faahfaahsan oo ku saabsan natiijada baadhista.

Eeg qoraalka asalka ah ee Facebook